DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo cadaysay Mowqifkeeda Khilaafka ka dhexeeya dowladaha Masar iyo Ethopia

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadley khilaafka xoogan ee u dhaxeeya dowladaha itoobiya iyo Masar,kuwaas oo saaxiibo dhow la ah Soomaaliya iskuna heysta wabiga Nile.
Wasiir Cawad waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya labada dowladood,kaas oo horey Wadamada Jaamacadda Carabta ay si cad u taageereen Dowladda Masar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku sugan Magalada Garoowe lana hadley mid kamid ah Warbaahinta ka howlgasha deegaananda Puntland ayaa waxaa wax laga weeydiiyey hadii uu yimaado culeys siyaasadeed oo labada dowladood uu midba midka kale uu ku doonayo inay Soomaaliya la safato Go’aanka ay qaadan doonaan ayaa waxaa uu ku jawaabey.
Sidoo kale Wasiir Cawad ayaa wax laag weeydiiyey warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay oo sheegay in Soomaaliya ay Shirkii wadamada Jaamacadda Carabta ay saxiixeen in la taageero Masar,hayeeshee culeys uga yimid Itoobiya ay mowqifkoodii bedeleen,waxaana uu sheegay in warkaas aan waxba ka jirin,isla markaana Soomaaliya ay mar walba dhex dhexaad tahay.

Hadalka wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa wuxuu ku soo aadayaa ayadoo dowlada Soomaaliya ay horey go’aan dhex dhexaadnimo ah kaga qaadatay khilaafkii Xooganaa ee soo kala dhex-galay Dowladaha carbeed oo ay horkacayeen,Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah iyo Dowladda Qatar,waxaana taasi ay sababtey in Dowladda Imaaraadka ay joojiso taareeadii ay siin jirtey Soomaaliya ayadoo Mowqifkeedana ay Soomaali ilaa hada ku adkaysanayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here