DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo dalka ku soo celisay qayb kale oo ka mid ah dadkii ku xayirnaa wadanka Turkiga

Safaarada Soomaliya ee dalka Turkiga ayaa ku guulaysatay inya dalkooda Hooyo ee Soomaaliya dib ugu Soo celiso in ka bada 240 qof oo muwaadiniin Soomaali ah kuwaasoo mudo ku xayirnaa Magaalooyinka kala duwan ee wadankaasi kadib Saamaynta isu socodka ah eek a dhalatay cudurka Covid 19.
Dadkaan oo isygu jira Masuuliyin ka tirsan dowlada dhexe iyo Maamul goboleedyada,shacab caadi ah shaqale ka shaqaynayay Hay’adaha Turkiga ee Soomaaliya ka howlgala iyo dadkii kal hore ku dhaawacmay qaraxyo Soomaaliya ka dhacay Ayaay Safaarada Soomaaliya Basas uga soo qaaday magaalada Ankara waxayna ku gaysay Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Istanbul kuwaasoo halkaa uga soo anbabaxay Diyaarad gaar ah oo ay leedahay shirkada Diyaaraha dalka Turkiga ee Turkish airlines.
Danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Ceydiid ayaa sheegay inay ahayd shaqo adag oo mudo soo jiitamaysay in diyaarada loo helo muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u Xayirnaa dalka Turkiga,waxayna arintaan ku soo aadaysaa ayadoo todobaadkii hore sidaan oo kale Mudiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Turkiga loogu diray Magaalada Hargaysa.
Qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay ayaa ka hadlay dib u soo celintooda.

Xoghayaha koobaad ee Safaarada Soomaaliya ee Turkiga Ibraahim Cali Abshir ayaa sheegay inay Madaxda Safaarada Soomaaliya ee Turkiga iyo howladeenada kaleba markasta diyaar u yihiin u adeegida shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here