DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo dib u habaysay Isbitalka Martiine

Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah (ACU) ee Isbitaalka ku xirtay Labaatan (20) sariirood oo loo dhammeestiray dhammaan qalabkii loo baahnaa si loogu xanaaneeyo dadka xaaladoodu aadka u adagtahay.
Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay Dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal leh dhammaan takhasusyada loo baahanyahay oo ay kamid yihiin 10 dhaqtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka digfeer horay uga shaqeyn jiray, hadana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale dhawaan ka howl billaabaya la taliyaal sare oo caafimaad oo ku takhasusay maareynta cudurrada faafa iyo cudurrada neef mareenka.
Isbitaalka oo lagu howl billaabay March 16, 2020 ayaa lagu qaabilay 218 Bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay.
Mid ka mid ah dhaqaatiirka ka howlgalo isibtaalka Martiini ayaa sharacaya qaybta xaaladaha deg dega ah ee agabkeeda loo dhamaystiray.

Dhanka kale Mid ka mid ah bukaanada Isbitaalka Martiini lagu daaweeyay oo hada xanuunka ka soo bogsaday ayaa ka sheekeeyay Xaaladiisa wuxuuna u mahadceliyay dhaqaatiirtii dadaalka u Sameeyay.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa isna bulshada ugu baaqay inay ku dadaalaan xakamaynta Cudurkaan ayna qaataan Fariimaha dowlada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here