DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo digniin u dirtay Ganacsatada

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaay weli wadaa qorsheyaal dhowr ah oo looga hortagayo faafida Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay gudaha Soomaaliya ayadoo dhanka kale la doonayo inaysan xakamaynta Cudurka iyo qorshahaas saameyn ku yeelan nolosha dadka Soomaaliyeed.
Kulamo saacadihii la soo dhaafay dhacay ayaa looga hadley sidii loo soo saari lahaa Go’aamo looga hortagayo faafida Cudurka Corona,iyadoo aan cunaqabateyn la saarin Shacabka danta yar ee ku nool Muqdisho ee Caasimada ah iyo Guud ahaan qaybaha kale dalka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Soomaaliya, Cumar Faaruuq Sheekh Cabdicasiis oo faah faahin ka bixinayey kulan ay yeesheen Wasaaradda Diinta & Awqaafta iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa soo saarey digniin ku socota Ganacsatada.
Waxaa uu shegay Agaasimaha in Ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay inaysan kor u qaadin qaymaha lagu kala Iibsado maciishada noocyadeeda kala duwan,iyagoo ka faa’iideysanaya ka hortegida Cudurka COVID 19 iyo xakamaynta Jirta.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay Culimada Soomaaliyeed wacyigelin ka sameeyaan arintaan hadii Ganacsatada u hogagansami waaydana laga qaado tallaabada ku haboon.
Maamulka gobolka Banaadir, Xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta ee dowlada Soomaaliya oo iskaashanaya ayaa bilaabay wacyigelin kusaabsan cudurka Corono-Virus kaasoo laga bilaabayo degmooyinka gobolka Banaadir waxaana shacabka laga codsaday inay qaataan fariimaha caafimaad ayna Taxadar dheeraad ah Markasta Muujiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here