DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixisay shirkii shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Galinkii danbe ee Arbacadii ina dhaaftay ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyay shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya kaasoo ay ka qaybgaleen madaxda dowlada,dhexe ee Soomaaliya,Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha Maamulada Soomaaliya,ku dhawaada 50 dowladood oo Soomaaliya Taageerta iyo Hay’ado Caalami ah.
Madasha iskaashiga Soomaaliya ayaa la isku waydaarsaday arimo ay ka mid ahaayeen Talaabooyinka ay dowlada Soomaaliya qaaday ee lagu guulaystay gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha,amaanka,arimaha Bulshada,xaquuqul insaanka iyo qodobo kale.
Wakiilada Beesha Caalamka ee shirkan ka qayb galay ayaa dowlada Soomaaliya ku bogaadiyay hormarada ay ka Samaysay dhinacyo ay Maaliyadu ka mid tahay wallow ay dhanka kale Sheegeen inay jiraan Caqabado Badan oo la doonayo in wax laga qabto.
Wasiirka Wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa soo koobaya War-murtiyeedkii shirka laga soo saaray iyo sidii ay Wakilada Caalamka iyo dowlada Soomaaliya iskula garteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here