DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo Faahfaahisay qorsheyaasha arimaha dibada gaar ahaan kuwa Maraykanka kala dhexeeya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay qorshaha dowaldda Soomaaliya ee ku aadan dadaalka Soomaaliya ay dib ugu furatay qaar ka mid ah safaaradihii ay ku lahayd wadamada Caalamka.
Wasiir Cawad ayaa sheegay In Dowladda Soomaaliya ay wado qorsheyaal dib loogu soo celinayo xiriirkii wanaagsanaa ee ay Soomaali la laheyd dalal badan oo Caalamka,taasina ay ku imaan karto in safaaradaha dib loo furo oo la Hormariyo howlaha dhanka Dipmaasiyada oo kor loo qaado.
Wasiirka arimaha Dibada Soomaaliya wuxuu sheegay in qorshahaas uu bilaaw u ahaa furitaankii dhawaan Safaarada ay Soomaaliya ku leedahay Mareykanka sidoo kalena ay wadaan qorsho ah in dhamaan la furo safaaradaha ay Soomaaliya ku laheyd Caalamka.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay 30 sano kadib dowladda Mareykanka oo safaaradii ay ku laheyd Magaalada muqdisho,waxaana uu sharaxayaa nuhiimada ay Soomaaliya u leedahay dib u furitaanka safaarada Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here