DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo faahfaahisay xaalada cudurka

Xukuumadda Soomaaliya, Maamulka Gobalka Banaadir, Taliska Ciidanka Booliska, Culimada iyo Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa si toos ah bulshada ugala hadlay xaaladda guud ee cudurka COVID-19 ee dalka Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, Xalay ka hadashay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19, dadaallada socda ee lagu xakameynayo, horumarradda la gaaray iyo qorshaha la doonayo in lagu joojiyo faafintaanka cudurka.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo xubin ka ah Guddiga Qaran ee ka hortagga cudurka COVID-19, ayaa isna ka hadlay muhiimmadda uu Islaamku siiyay raacista awaamirta dowladda, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u hoggaansamaan awaamiirta lagu xakameynayo faafitaanka cudurkaan halista badan, si bulshada ay u hesho daryeelka ay u baahantahay.
Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf oo isna xubin ka ah Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 ayaa dhammaan bulshada ugu baaqay inay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo faafitaanka COVID-19, si guul looga gaaro qorshaha bed-qabka iyo daryeelka Ummadda.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Cabullaahi Tuulax, ayaa shacabka Muqdisho uga mahadceliyay sida ay ugu hoggaansameen dhaqan gelinta bandowga xilliyada habeenkii lagu soo rogay Muqdisho,waxuuna ugu baaqay inay sii wadaan la shaqeynta maamulka iyo laamaha amniga, si loogu guuleyso xakameynta COVID-19.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Soomaaliya Maxamed Saciid C/laahi ayaa sheegay inay markasta laba Jibaarayaan dadaaladooda wuxuuna xusay inay yaalaan Isbitaalka Martiini Qalabka loogu tala galay la tacaalida cudurkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here