DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo Gargaar deg deg ah u diraysa gobolada hiiraan iyo Baay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labo Diyaaradood oo gargaar DEG Deg ah sida waxay u dirtay maanta Magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo halkaasoo dadka ku sugan ay saameeyeen fatahaadaha wabiga iyo roobabka Mahiigaanka ah eee da’aya todobaadyadaan.
Diyaaradaha Gargaarka saaran ayaa loogu talo galay in dadka dhibaateysan si dhaqsi ah loo gaarsiiyo maadaama dadka xaaladooda aad u liidato.
Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku fatahay Wabiga Shabeelle oo inta badan saameeyey Xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi.
Dadka ayaa intooda badan isaga barakacay Baladwayne waxayna miciin bideen duleedka magaalada iyo meelaha dalcadaha ah si ay uga badbaadaan Fatahaadda wabiga iyo Biyaha Faraha badan ee magaalada Hirqinaya.
Sidoo kale degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa dadkii ku noolaa waxay iyaguna u barakaceen duleedka degmadaasi,kadib markii Magaalada ay kusoo rogmadeen daadad ka dhashay roob dhawaan ka da’ay degmadaas iyo nawaaxigeeda.
Dhamaan Madaxda dowlada Soomaaliya ayaa ku baaqaya in loo gurmado shacabka tabaalaysan eek u nool gobolada ay fatahaada iyo daadadku Saameeyeen oo gobolka Hiiraan uu ugu daran yahay.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaani Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ugu baaqay Soomaalida ku nool Kenya inay ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynayo shacabka uu fatahaadda Webiga Shabeelle ee magaallada Beledweyne saameeyay.
Amb, Tarsan waxaa uu sheegay inay tahay waajib in dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay u midoobaan sidii dadkaas oo qaarkood ay banaanka jiifaan loogu gurman lahaa Noloshoodana loo badbaadin laahaa.
Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda Dowladda dhexe ku eedeeyey inay ka gaabiyeen u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha gaar ahaan Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Isaga oo ka hadlayay Kulan looga dhawaaqayay Madasha Xisbiyada Qaran ayuu sheegay in dowladda ay awooday lacago farabadan oo Taalooyin lagu dhisay sida uu hadalkooda u dhigay laakin aysan awoodin in wax loo qabto dadka Reer Baladweyne aysan aheyn wax is qabanaayo.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay dowlad ku tahay inay ku baraarug sanaato kana jawaabto dhibaatada dalka inta ay kari karto,hayeeshee uu sheegay inay tuhunsan yihiin inay wax badan qabankarto dowladu sida uu sheegay.

Dowlada Soomaaliya iyo Maamulada hirshabelle iyo koonfur Galbeed ayaa Horay u magacaabay gudiga gurmadka dadka tabaalaysan waxaan maalmo ka hor Magaalada Beledweyne gaaray Diyaarado gargaar sida oo dowlada dhexe ka Tirtay magaalada Muqdisho ayadoo dhanka kalena ay Jiraan caqabado badan maadaama magaalooyinka qaar sida Beledweyne ay xirmeen Garoomada iyo Wadooyinka Muhiimka ah.
Weli waxaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka socda Gurmadka lagu baadi goobayo qaar kamid ah dadkii ay doonta la qalibantay ee Magaalada Baladweyne oo Nolol ama geeri lagu la’yahay.
Wararku waxay sheegayaan in agagaarka halka loo yaqaano Shabeelow laga helay meydka mid kamid ah dadkii ay doonta la qalibantay,oo la aqoonsan la’yahay.
Shalay oo Talaado aheyd ayaa waxaa la helay ilaa Shan ruux oo kamid ahaa dadkii la la’aa,waxaana weli guddi loo xilsaaray baadi-goobka dadkaas ay wadaan Shaqadooda.
Madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa walwal waxaa uu ka muujiyey fatahaada Wabiga,iyadoo dadka badi ay barakaceen wuxuuna ku baaqay in la balaadhiyo howlaha gurmadka ah.

Qaar ka mid ah Culimada gobolka hiiraan ayaa dhankooda waxay ku qaabeen in la dadjiyo Gurmadka loo fidinayo dadka uu Saameeyay Wabiga Shabeelle ee fatahaadaha ka sameeyay meelo badan oo Magaalada beledweyne ka mid tahay.
Waxay ku beeqeen in waxkasta oo gurmadkaan la xiriira si hagar la’aan ah looga qayb qaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here