DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo gudiga u saartay dilka Taliyihii qaybta Booliska Gobolka Hiiraan.

dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal shalay ka dhacay deegaanka kalabeyr ee duleedka Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan,kaasoo la sheegay inuu u dhexeeyay Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska maamulka Hirshabeelle.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay shaqaaqadii ka dhacday degmada Baladweyne ee lagu dilay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane,isla markaana wuxuu tacsi u diray dhammaan Eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay,sidoo kalena waxa uu Caafimaad deg deg u Rajeeyay dadkii kale ee halkaas ku dhaawacmay.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse ayaa sheegay in Wasaaradda amnigu ay guddi u saari doonto shaqaaqadii ka dhacday magaalada Baladweyne,ayna warbixin rasmi ah ka keeni doona gudigaasi kadib marka ay dabagal ku sameeyaan iyo baaritaan sidii ay u dhacday iyo dadkii ku lugta lahaa dilka Taliyahaasi.
Wasiir ku xigeenka ayaa hay’adaha amniga magaalada Baladweyne uga digay in aysan ka qeyb qaadan xaaladda ka taagan Gobolka Hiiraan iyo waxkasto oo dhibaato u keeni kara shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here