DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Geerida Ra’isulwasaarihii hore

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerita saaka ku timid ra’isulwasaarihii hore ee dowladii kmg Soomaaliya AHU marxuum Nuur Xassan Xuseen Nuur Cade oo saka ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Wiilka uu Dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa xaqiijiyay geerida Baabihiis wuxuuna sheegay in abaara 7 subaxnimo xiliga Dalka Ingiriiska uu ku geeriyoodey Magaalada london,halkaasoo maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuun sanayay.
Geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ka tacsiyadeeyey mas’uuliyiin farabadan oo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,wasiirka amniga Maxamed Abuukar Ducaale iyo wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Ra’isul Wasaare Hassan Ali Khaire ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Rasmiga ah ee Facsbookga wuxuu tacsi ugu diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Wuxuuna Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisa Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna y tacsiyadeeyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo qoyska Marxuumka.

Wasiiro kale,Xildhibaano,Siyaasiyiin iyo inta badan Bulshada soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo xilka Ra’iisul Wasaarenimo soo hayey intii u dhaxeysay sanadihii 2007-2009.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here