DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Markab ku Xayirmay Dalka Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kaga hadlay markab Xoolo ka qaaday dekadda Berbera kuna xayirnaa dekadda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga Ilaa july 11, 2019.
Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dowladda Sucuudiga xariir kala sameysay markabka xoolaha siday, hase yeeshee ay caddaatay in markabka loo xayiray in uusan soo buuxin heshiisyadii dhoofinta xoolaha ee ay labada dowladood horay u kala saxiixdeen.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowlada Fedraalka Soomaaliya ay Sucuudiga kala hadashay in markabkaan arrintiisa si gaar ah loo xalliyo oo aan lagu xirin heshiisyadii si loogu daneeyo ganacsatada Soomaaliyeed, hase yeeshee heshiisyadii hore ee labada dowladood ay wada galeen ay sidoodii ahaadaan oo la wada ilaaliyo.
Dowladda Sucuudiga ayaa kadib codsiga dowladda Soomaaliya ogolaatay in markabka ariga laga dejiyo si loogu iibiyo suuqyada xoolaha dalka Sucuudiga, waxaana xalay markabkii laga dejiyay dhammaan arigii saarnaa sida la xaqiijiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here