DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Xayiraada laga qaaday dhoofka Xoolaha Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin Guud ka bixisay dadaaladii ay ku bixisay in la qaado xayiraadii dhanka dhoofka ahayd ee saarnayd xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeeyo dalka Boqortooyada Sucuudiga.
Wasiirka Xanaanada xoolaha Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay inay ku guuleysteen in markii ugu horeysay ay soo saareen Istiraatijiyad lagu shaqaynayo mudo 10 sano ah oo soo socota taasoo ku aadan horumarinta iyo dhoofinta Xoolaha Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sharaxad ka bixiyay dadaalka ay Xukuumadda Soomaaliya ku bixisay in xayiraada looga qaado xoolaha laga dhoofiyo dalka Soomaaliya.

 

Dalalka ugu badan ee Soomaaliya Xoolaha nool ay u dhoofiso waxaa ka mid ah Masar,Cummaan oo xiriir wanaagsan ee dhanka dhoofinta kala dhaxeeyo Soomaaliya,Yemen iyo Sacuudiga oo ah dalka ugu badan ee Xoolaha looga dhoofiyo Soomaaliya ayaana sanadaha soo socda la kordhin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here