DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo ka hashay kulankii dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin guud waxaay ka bixisay kulankii shalay Magalada New York ee dalka Mareykanka ku dhexmaray Madaxweyanaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta,kaasoo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha dalka Masar C/fataax AL-Sisi.
Kulankaas oo lagu heshiiyay in la xaliyo khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhex-jira Soomaaliya iyo Kenya sida lagu sheegay War kasoo baxay Madaxtooyada Somaaliya ayaa waxaa dad badan ay kulankaas u fasireen waxyaabo badan sida in la isku afgartay in dhanka wada-hadalka loo leexiyo muranka Badda ee labada dowladood ka dhexeeya balse wasaarada arimaha Dibada ayaa cadaysay inaysan labada Hogaamiye arintaas isla soo qaadan Ajandahana aysan ugu jirin.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee dowlada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kulanka labada dhinac uu ahaa mid ay horay dowladda Kenya u dalbatay,isla markaana uu marti-geliyay Madaxweynaha Masar Cabdul Fataax Siisii ahna Guddoomiyaah Ururuka Midowga Afrika.
Wasiir Cawad oo la hadlayay Idaacadda Voa-da ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu horay u sheegay in arrimaha la xiriira muranka Badda aan laga wada hadlin Karin,isla markaana Maxkamada ICJ ay go’aan ka gaari doonto.
Wasiirka ayaa sheegay in lagu balamay in la sameeyo gudi labada dhinac ka kooban, oo ka shaqeyn doona deris wanaaga iyo xiriir wanaaga,isla markaana ay ka Shaqeyn doonaan sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii ka dhaxeeyay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here