DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo ka Tacsiyadaysay Geeridii Cabdi Tahliil

Fanaan Cabdi Tahliil Warsame

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa loogu tacsiyadeeyay geeridii ku timid allah ha naxariistee fanaankii weynaa ee qaranka Soomaaliyeed Cabdi Tahliil warsame oo ku xunuunsanaa Magaalada Muqdisho sanadihii la soo dhaafay ugu danbayna Xalay halkaas ku geeriyooday.
Allah ha unaxariistee Fanaankii weynaa Cabdi Tahliil Warsame ayaa Maanta waxaa lagu aasay Magaalada Muqdisho ayadoo aaskiisa ka qaybgalay abwaaniin iyo eheladiisa.
Waxaa lagu aasay dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya ee iskuul booliisiya,waxaan ka qaybgalay golaha abwaaniinta Soomaaliyeed oo tacsi u diray qoyskiisa,fanaaniinta Soomaaliyeed iyo dhamaan umada Soomaaliyeed.

Allah ha naxariistee fanaanka ayaa muddo 18 sano xanuunsanaa sida ay eheladiisa xaqiijigeen ugu dambey xalay ayuuna Cisbitaal ku yaala Magaalada muqdisho ugu geeriyooday xanuunkaas mudada hayay.
Allah ha naxatiistee Cabdi Tahliil Warsame, wuxuu ku dhashay Magaalada Wardheer sannadkii 1952-kii sida ay baahisay Wakaalada wararka Soomaaliya ee Sonna.
Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday.
Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.
Fannaaniintan dhamaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada qaranka Soomaaliyeed ee Waabari.
Kooxihii kale ee uu Cabdi Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaasi.
Allah ha unaxariistee waxa uu waxbarshada dugsiga sare ku qaatay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan hase ahaatee markii dambe waxa uu usoo wareegay dhanka Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo uu degeenaa ilaa uu ka geeriyooday Xalay.
Waxaa uu ka tagay caruurta iyo wixii ay sii dhaleen oo sida ay qortay Wakaalada Wararka Soomaaliya gaaraya ilaa 42 qof.
Sidoo kale fanaan kaliya ma aheen ee waxaa soo noqday xisaabiyaha ee Gobolka Bari waxaa uuna kasoo shaqeeyaan deegaanada qandalo,qardho iyo Magaalada Ganacsiga ee Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Allaha ha unaxariistee geerida Cabdi Tahliil waxaa ka Tacsiyadeeyay guud ahaan fanaaniinta Soomaaliyeed meel wabo oo ay dalka iyo dibada ka waxayna alle uga baryeen inuu janadiisa fardowso ka waraabiyo samir iyo iimaane uu ka siiyo dhammaan qoyskii ,qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here