DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo Karaantiishay Muwaadi shiinaha ka yimid

Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa goob gaar ah ku Karaantiishay Muwaadin Soomaali ah oo ka yimid dalka Shiinaha kaasoo Shalay tagay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya .
War qoraal ah oo ka soo Baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowlada fedraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaarada oo ka duulayso waajibka shaqo ee ka saaran inay bulshada la wadaagto xogaha la xariiro Caabuqo dunida kusii faafaya ee COVID-19, ay bulshada u bayaaninayso wararka la xariira muwaadin Soomaaliyeed oo saarnaa diyaaradda Itoobiyan Airlines oo soo gaartay garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho.
Wasaaradu waxay sheegtay in Muwaadinkaan Soomaaliyeed uu ka yimid wadaanka Shiinaha uuna soo maray dalka Itoobiya, kadibna Muqdisho ayuu soo gaaray, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ku heyso meel gaar ah wallow hada Caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay balse ay lagama maarmaantahay inuu soo dhamaysto mudo Huuriska Xanuunkaan lagu Hubinayo.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo arimaha Bulshada dowlada Soomaaliya ayaa sharaxaya xaalada muwaadinkaas iyo Talaabooyinka ay ilaa iyo hada wasaaradu qaaday.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in lala xisaabtami doona Shirkadda Diyaaraddaha ee jabisay amarkii dowlada ee ahaa inaan la keenin dalka Soomaaliya qofkasta oo ka yimaada dalalka uu ka dilaacay cudurka Corono Virus Gaar ahaan wadamada Shinaha,Talyaaniga,Iran iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here