DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday Natiijada imtixaanaadka sugsiyada Sare

.
Wasaarada waxbarashada hida iyo Tacliinta Sare ee dowlada Soomaaliya ayaa Xalay waxay ku dhawaaqday Natiijada ka soo baxday Imtixaanaadka Dugsiyada Sare ee Soomaaliya kaasoo ardaydu u fariistiin Bishii dhamaadkii Bishii May ee sanadkaan.
Wasiirka Wasaarada waxbarashada hida iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya C/laahi Goodax barre ayaa sheegay in Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka 2018—ka iyo 2019ka uu si guul ah ku soo dhamaaday dhanaan ardayda dugsiyada Sare ee Soomaaliyana ay heleen Natiijooyinkii ugu soo baxay Imtixaankii ay dowladu qaaday.

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada waxbarashada hida iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in 10-ka Arday ee kaalimaha ugu horeeya Galay ay dowlada Soomaaliya Siin doonta waxbarasho bilaasha ah ayaguna ay dooranayaan halka ay wax barashada sare u aadayaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa Imtixaanka Dugsiyada sare bilowday 11 bishii May ee Sanadkaan kadib markii uu mudo Sadex bari ah Socday ardayduna ay Galeen ilaa Lix Maado ayaa gabi ahaanba Imtixaanaadka la joojiyay 13-kii ila bishaas May kadib Xiligaas oo ay Soo baxeen warar sheegaya in maadooyinka Imtixaanka La xaday oo si weyn baraha Bulshada loogu faafiyay.
Wasiirka wasaarada waxbarashada Soomaaliya oo Warbaahinta Qaranka kala hadlay shacabka ayaa sheegay in markale Imtixaanka dib loo bilaabayo 27-kii isla Bishaasi May shaqsiyaadka Imtixaanka Faafiyayna sharciga lala Tiigsan doona.
Ayadoo ugu danbayn ay dowladu ku guulaysatay Inay Imtixaankaas si nabad ah ku soo bilowdo 27-kii May ilaa 31-kii isla bishaasi xalayna lagu dhawaaqay Natiijadiisii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here