DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday qorsheyaal wax looga qabanayo fatahadaha wabiyad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Shalay Booqday Magaalada Beledweyne ee fatahaadaha uu ka sameeyay wabiga shabelle ayaa faahfahain ka bixiyay waxyaabihii uu halkaas ku soo arkay,sida ay tahay in dhibaatadaan mustaqbalka looga gaashaanto iyo dardaaran uu dadka Soomaaliyeedu jeediyay.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay soo laalaabteen fatahaadaha uu samaynayo Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Hiiraan,isla markaana loo baahan yahay in laga hortago intaysan dhibaatadu bulshada Gaadhin.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya,iyadoo la kaashaneysa Dowladaha deriska ah,Saxciibadeeda iyo cidkasta oo arimahaas ku shaqo leh ay la imaandoonto qorsho looga hortagayo fatahaada Wabiga maadaama dhibaatooyin farabadan ay ka dhashaan.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowlada Jamhuuriyada Jabuuti oo noqotay dalkiiugu horeeyay ee soo dira Gurmadka loogu tala galay dadka Soomaaliyeed eek u nool magaalada Beledweyne.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay is cafiyaan sidoo kalena is caawiya,wuxuuna xusay in qalbiga wanaagsan ay tahay inay ku dadaalaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shalay Gelinkii dambe wuxuu booqday Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan,halkaas oo badi dadkii deganaa ay ka barakaceen kadib fatahaada Wabiga.
Dhanka kale Dowlada Jabuuti ayaa diyaaradiii labaad oo sida deeq Gurmad ah oo loogu talagalay dadka reer Beledweyne waxay gaadhsiisay Magaalada muqdisho waxayna ku wareejisay Gudiga Gurmadka ee dowlada Soomaaliya.
Safiirka dalka Jabuuti Soomaaliya u fadhiya ayaa deeqaan ku wareejiyay gudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here