DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo loogu baaqay dhismaha golaha adeega Garsoorka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa dowlada Soomaaliya wuxuu ugu baaqay inay si deg deg ah u dhisto golaha Adeegga Garsoorka qaranka uu dalku si aad ah ugu baahan yahay xiligaan.
Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in looga bixi doono helitaanka Golaha Adeegga Garsoorka lasoo afjaro khilaafka ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda.
Xukuumadda ayuu ka dalbaday inay ka shaqeyso dhismaha Golahaan hadii kale uu Muddo dheer socon doono Khilaafka soo lalaabta ee ka dhex jiray Masuuliyiinta Soomaaliya
Ugu dambeyntii waxaa uu xusay in dalka ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay sababeen Khilaafka labadda Heer ee dowlaada dhismaha golaha adeega Garsoorka iyo Maxkamada Dastuuriga ahna ay yihiin kuwa arimahaas xal u noqon kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here