DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo mabnuucday Diyaaradaha Qaadka sida

Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay inaysan wixii hada ka danbeeya ogolaan doonin inay Garoomadeeda ka soo degto Diyaarado Qaad sida.
Maareeyaha hay’dada Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xassan oo warbahainta dowlada Soomaaliya Maanta la hadlayay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya uu ka dhamaaday sida uu xusay dulqaadkii diyaaradaha Qaadka keenaya dalkeed.
Waxaa uu sheegay in dhowr jeer ay Hawada Soomaaliya ka celiyeen diyaarado jaad siday, sidoo kale ay qabteen jaad lagu soo dhex qariyay alaabo kale oo dalka la keenay,isla markaana ay gubeen.
Waxaa uu sheegay Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Axmed Macalin in Duuliyihii ama Beyloodkii isku daya in Soomaaliya uu soo geliyo diyaarad sida jaad uu weyn doono leysinkii ama ruqsadii duuliyenimo.

Dhaka kale Maamulka Puntland ayaa Wacad ku maray inay ciqaabi doonaan cidkasta oo deegaanada Maamulka Puntland Qabri kaga ganacsata ama falal Amni dara ah ka gaysta deegaanada maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here