DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo qandaraaska uu kor dhisay Shirkadda maamusha garoonka Muqdisho.

145

Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin Guud ka bixisay Heshiiska ay Shirkadda Vafori ee loo kordhiyay oo ay ku maamuleyso Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho,kaasoo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay shirkadaas oo laga leeyahay dalka Turkiga ku maamuleysay.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay heshiis Cusub la gashay Shirkdaas kaas oo ku saabsan qandaraas dhinaca dhismaha ah,isla markaana Garoonka diyaaradaha dib u dhis iyo ballaarin lagu sameyn doono.
Heshiiskaas qandaraaska loogu kordhiyay Shirkadda Vafori ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa waxaa shalay ansixiyay golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya kadib shir ay ku yeesheen Magalada Muqdisho

 

Dhanka kale Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud ayaa ka warbixiyay Heshiiskaas iyo waxyaabaha kale ee ugu muhiimsan ee looga hadlay kulankii golaha wasiirada Soomaaliya ee Khamiistii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here