DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo sharuuc ka soo saaraysa waxyaabaha dalka laga soo saari karo hadana dibada laga keeno

Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha ee dowlada fedraalka Soomaaliya Eng C/laahi Cali Xassan oo Maanta la hadlayay Telefeshinka dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay sharuuc adag ka soo saarayaan khudaarta dalka gudihiisa laga helo oo dibada laga keeno.
Wasiirka ayaa xusay inay hayaan cabashooyin badan oo arintaas la xiriirta ayna dhanka kale Hoos u dhigayso wax soo saarka gudaha maadaama beeralayda Soomaaliyeed ay khasaare ka soo gaari karto.
Wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa Sidoo kale Tilmaamay inay wasaarada Maaliyada kala hadlayaan sidii waxkasta oo dalka dibadiisa laga keeno ayadoo gudaha Soomaaliya laga helayo Canshuurta loogu kordhin lahaa taas badalkeedana Canshuurta laga dhimo waxyaabaha gudaha wadanka ka soo baxa si loo dhira Galiyo Waxsoo saarka gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here