DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha dekedaha dalka

Wasiirka wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka Bada ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Maryan Aways Jaamac ayaa sheegtay inay dhawaan bilaabayaan dekedaha Magaalooyinka Hobyo iyo Barawe oo ka kala tirsan gobolada mudug iyo Shabeelada Hoose.
Dekedaha magaalooyin Barawe iyo Hobyo ayaa waxaa dhismahooda horay u balan qaaday dowlada Qatar waxana ay Wasiiradu sheegtay in qaybmayntii lagu samaynayay hada gaba-gabo tahay dhawaana dhismaha la bilaabayo si ay kaga faa’idaystaan shacabka ku nool deegaanada maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Wasiir Maryan ayaa sheegtay dhanka kale inay jiraan shirkado loolan ugu jira Maalgashiga Dekedaha Soomaaliya balse ay dhankeeda ka fiiriyaan markasta faa’iidad ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here