DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo wacyigalin u samaysay qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah

Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee dowlada Fedralka Soomaaliya ayaa wacyigalin u samaysay qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku sugan xerooyinka Magaalada Muqdisho ku yaala.
Sidoo kale waxaa dadkaasi la gaadhsiiyay agabka loo isticmaalo nadaafada sida Saabuunta iyo waxyaabaha kala ee la midka ah.
Gudoomiye ku xegeenka degmada kacda oo ka mid ahayd meelihii laga sameeyay wacyigalinta Bulshada ayaa wasaarada uga mahadceliyay ololaha shacabka loo samaynayo si ay uga gaashaantaan Caabuqa CoronaVirus ee dalal badan oo aduunka ah Saameeyay.
Agaasimaha guud ee wasaarada tamarta iyo khayraadka Biyaha dowlada fedraalka Soomaaliya C/waaxid Ibraahim Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka ay u wajahayaan wacyigalinta Bulshada ayadoo dhanka kale hada uu saamayn badan caalamka ku yeeshay Xanuun nadaafad darada ku faafaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here