DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay fatahaada wabiyada.

Ayadoo ilaa bilowgii todobaadkaan iyo ka sii horba gobolo Badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah ay ka da’ayeen roobab lixaad leh sidoo kalena ay Wabiyada shabeelle iyo Juba ay Sameeyeen Fatahaado Meelaha qaar ayaa waxaa arintaas warka soo saaray dowlada Fedraalka Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiisa Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeyo oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dowlada dhexe si dhow ula socoto roobabka Xoogga,Fatahaada iyo saamaynta Shacabka ka soo gaadhay,isagoona hay’adaha Samafalka iyo bulshada Soomaaliyeed ka codsaday iany u sitagaan badbaadin dadka tabaalaysan iyagoo dowladooda kaashanaya.

 

War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa waxaa looga dalbaday hay’adaha Samafalka ee ka howlgalla Gudaha dalka Soomaaliya inay si deg deg ah uga jawaabaan dadka ay xilligaan saameeyeen fatahaadaha wabiyada ee gobolada qaar.
Qoraalka wasaarada waxaa lagu sheegay in Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ay sameeyeen fatahaado,isla markana xukuumadda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay saameynta ka dhalan karta ee soo gaadhaysa dadka shacabka ah ee deegaanadaasi ku nool.
Wasaaraddu waxaa kaloo ay sheegtay in dadka qaarkood iyagoo ka cabsi qaba fatahaadaha ay si iskood ah uga barakaceen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan,isla markaana dadka barakacay ay gaarayaan ilaa 12,000 oo qof.
Ugu dambeyn hay’adaha Caalamiga ah ee Caawiya Soomaaliya ayaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya waxay ka dalbatay inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ka barakacay fatahaadaha iyo daadka roobka deyrta oo deegaano badan oo dalka Soomaaliya ah ka da’ay.
Dhanka kale wasiir Maareeya ayaa sheegay inay Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya dhawaan Bilaabayso Barnaamijka wacyigalin ah oo dadka Soomaaliyeed kala socon doonaan Idaacada dowlada ee RadioMuqdisho kuwaasoo ku saabsan dhismaha dowlanimada iyo ujeedooyinka ay ka midaysan yihiin dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here