DHAGEYSO:Dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabeelle oo ka wada hadlay arrimaha fatahaadaha

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan waxayna ka wada hadleen arimo dhowr ah.
Labadaan Mas’uul ayaa waxaay ka wada hadleen Arrimo la xiriira fatahaadaha soo noqnoqday ee degaannada Hir-Shabeelle gaar ahaan fatahaadaha ay kumanaanka qoysaska ah ku barakaceen ee Magaalada Beledweyne saamaynta weyn ku yeesha.
Wasiirka Beeraha dowlada Soomaaliya & Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sigaar ah waxaay diirda u saareen Mashruuca biya xireenka Beledweyne,oo dhismihiisa uu dhawaan bilaaban doono.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha xukuumadda Soomaaliya wwuxuu ka dalbaday in xal loo keeno fatahaadaha kusoo laab laabtay magaalada Beledweyne oo sanadkiiba laba jeer ay ku barakacaan kumanaan qoysas ah oo Magaaladaasi ku noolaa.
Wali wararka Maamulka Hirshabelle ayaan ku guda Jirnaaye Waxaa lagu wadaa in Maanta ay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle kulankoodii ugu horayay ku yeeshaan xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo Xalay lagu dhawaaqay.
Guddiga farsamada dhismaha maamulka Hirshabeelle ayaa Xildhibaanada Xalay lagu ka dalbaday inay soo xaadiraan xarunta shirarka ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here