DHAGEYSO:Dowladda oo amartay in la xiro goobaha laga soo saaro dhagaxaanta ee Mandera

Guddiga amniga qaran ee dalka ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhamaan goobaha laga soo saaro dhagaxaanta guriyaha lagu dhiso ee ismaamulka Mandera.
Amarkan ayaa yimid kaddib markii la helay xog la xiriirta sirdoonka oo ku saabsan in Al-Shabaab ay qorsheynayso inay weerar gaysato.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari Nichodemus Ndalana ayaa sheegay in cidii aan amarkan u hoggaansamin tallaabo sharciyeed laga qaadaya.

Dhanka kale qaar ka mid ah dadka ka shaqeysta soo saaridda dhagaxaanta ee Mandera ayaa walaac ka muujinaya in amarka dowladda uu ku keenaya culeys dhaqaale oo dheeraad ah.
Waxay sheegeen in nolosha qoysas badan ay ku tiirsan tahay ganacsigan sidaas awgeedna ay caqabad hor leh soo foodsaari doonto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here