DHAGEYSO:Dowladda oo digniin u dirtay dad la karantiilayay oo baxsaday

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa digniin adag u diray shakhsiyaad dhan 50 oo la sheegay inay shalay ka baxsadeen goob lagu karantiilayay oo ku taalla magaaladatani Nairobi.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in saraakiisha ammaanka ay dadkaasi gacanta ku soo dhigi doonaan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ku nuuxnuuxsaday inaan marnaba la ogolaan doonin in qof karantiil ku jiro uu baxsado iyadoo dhanka kale lagu dadaalaya sidii looga hor tagi lahaa in kenyaanka ay isku gudbiyaan fayraska Corona.

Digniinta madaxweynaha ayaa ku soo aadaysa iyadoo saraakiisha ammaanka ay dabagal ku sameeynayaan shakhsiyaadka ka baxsaday machadka lagu barto culuunta caafimaadka ee KMTC ee magaaladatani Nairobi halkaas oo lagu karantiilayay.
Warbaahinta maxalliga ee Citizen TV ayaa ku warramaysa in dadka baxsaday ay casheynayeen kaddibna uu roob billowday taasoo keenay in saraakiishii ilaalinayay ay gabbaad raadsadaan kaddibna waxaa u fududaatay inay goobta ka baxsadaan.
Baraha bulshada ay ku wada xiriirto ayaa lagu faafiyay muuqaal laga dhex arkaya qaar ka mid ah dadkan oo gidaarka xaruntaas ka degaya.
Galinkii dambe ee shalay ayay xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi dhacdadan xaqiijisay.
Ilaa iyo hadda waxaa uu gudaha dalka cudurka Covid-19 ku haleelay 296 qof.
Waxaa u dhintay 14 qof , dadka ka bogsaday ayaa tiro ahaan ah 74 waxaana ilaa iyo hadda baaritaano lagu sameeyay 14417 qof.
Madaxweynaha dalka ayaa mulkiilayaasha guriyaha la deggan yahay ka codsaday inaynan dadka ku khasbin bixinta kirada hadii aynan awoodin.
Sido kale waxaa uu xusay in shirkadda korontada ee KPLC iyo shirkadaha biyaha amar lagu siiyay inaynan soo afjarin bixinta adeegyadan muhiimka y ah shacabka

Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay inuunan wax isbeddel ah ku imaan doonin jadwalka imtixaanaadka qaran ee shahaaddiga ah .
Sido kale waxaa uu sheegay inay saameyn soo gaartay dhaqaalaha dalka balse qorshayaasha horumarineed ee dowladda ay weli sii socdaan
Sido kale Kenya ayaa mowqif Dhexdhexaad ah ka qaadatay eedeymaha ay isku jeedinayaan wadamada Shiinaha iyo Maraykanka ee ku aaddan cidda caabuqa Coronavirus dunida ku siidaysay

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyay dib u soo celinta Kenyaanka ku xayiran wadamada kale ee caalamka ayaa ku jawaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here