DHAGEYSO:Dowladda oo laga dalbaday inay magdhow ka bixiso dhibaatooyin ka dhacay Garissa, Wajeer iyo Mandera

Waxaa maanta magaalada Garissa lagu qabanayaa qeybta kulamada ku aaddan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI ee loogu talagalay ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Waxaa sido kale kulanka ka qeyb galaya mas’uuliyiin matalaya ismaamullada Marsabit iyo Isiolo.
Shacabka ismaamulka Wajeer ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrinta BBI iyo kulanka ku saabsan ee maanta ka dhacaya Garissa.

Madaxda waqooyi bari ayaa hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM horayna u soo noqday ra’iisul wasaaraha dalka Mr. Raila Odinga iyo sido kale guddoomiyaha guddiga BBI ahna senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ku wareejiyay qaraar ka kooban ilaa 13 qodob oo ay doonayaan in lagu daro warbixinta kama dambeyska ah ee guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka waxayna kala yihiin.
1. In dowladda dhexe ay la timaado qorshayaal wax ku ool ah oo ku aaddan dhulalka ismaamullada gobolka sida inay diiwangeliso dhulka dadweynaha sido kalena dib u eegis lagu sameeyo qiimaha .
Dowladda waxaa sido kale loo soo jeediyay inay meesha ka saarto sharciga loo yaqaano 3 Miles rule ee inta badan iskudhacyada ka dhex abuuro ismaamullada dariska ah ee Tana River iyo Garissa.
Sido kale in wax laga qabto xadgudubyada dhanka lahaanshaha dhulka ee bulshada saameeyay.
2.In dowladda dhexe ay sare u qaado lacagta loogu magacdaray sanduuqa Equalization Fund ee deegaanada la isula simo dhanka hormarka oo hadda ah boqolkiiba 0.5% si looga dhigo boqolkiiba 10%.
Dhaqaalahan waxaa loo qeybinaya ismaamullada iyadoo howshaas uu maareynaya maamulka qaabilsan qoondeynta dakhliga ee CRA waxaana laga dhaqangelinayaan heerka deegaannada hoose ee Wards.
3.In miisaaniyadda loo qoondeeyo dowlad deegaannada la gaarsiiyo boqolkiiba 45% .
Sido kale in dib u eegis lagu sameeyo sharciga maareynta maaliyadda dadweynaha ee PFM si ismaamullada ay ugu fududaato inay si toos ah ula heshiiyaan oo ayna lacago uga helaan hay’adaha horumarka iyo deeqbixiyaasha caalamiga ah.
In dowladda ay ugu yaraan boqolkiiba 2 ee dakhliga ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera ay u adeegsato arrimaha biyaha.
Inaan wax laga beddelin tirada deegaan baarlamaaneedyada dalka ee ah ilaa 290 sido kalena gobolka waqooyi bari lagu soo kordhiyo saddex deegaan oo kala ah Xulugho ,Habaswein iyo Kutulo.
4. Dowladda inay dhaqaale ku bixiso ka hor tagga iyo la dagaalanka xagjirnimada.
Madaxda ayaa sido kale soo jeediyay in la wanaajiyo kaabayaasha dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare, in guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uunan noqon mid si buuxda u madax bannaan balse hoos tago wasaaradda tacliinta, in ardayda gobolka ka soo jeedo ee haysta buundada D+ loo ogolaado inay macallinimada bartaan, in magdhow la siiyo qoysaska dadkooda horay loogu xasuuqay Garissa, Wajeer iyo Mandera, inaan la soo dhisin guddiga adeegga caafimaadka iyo arrimo kale oo dhowr ah.
Shirkan ayaa noqonaya midkii lixaad ee la qabto marka laga soo tago kuwii ka dhacay ismaamullada Kisii, Kakamega, Mombasa, Kitui iyo Narok.
Waxaa ka qeyb galaya madaxda la soo doortay , kuwa golayaasha sharci dejinta sida magacaabidda ah ku galay ee waqooyi bari iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Kulamadan ayaa ujeedada laga leeyahay waxay tahay in shacabka lagu wacyigeliyo arrimaha BBI sido kalena la soo bandhigo waxyaabaha ay dani ugu jirto dadweynaha waqooyi bari ee ay doonayaan in la tixgeliyo si loogu biiriyo isbeddelada wadanka ka jiro.
Shalay ayay ahayd markii barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane uu shir guddoomiyay kulan hor dhac ahaa oo mas’uuliyiinta ay uga arrinsanayeen qodobbada la filayo in maanta la soo bandhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here