DHAGEYSO:Dowladda oo lagu ammaanay caymiska ay siinayso wadayaasha mootooyinka

419

Kaddib markii shalay wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Mr.Henry Rotich uu soo bandhigay miisaaniyad sannadeedka 2019-2020-ka ayaa dowladda lagu ammaanay inay tixgelisay dhibaatooyinka haysta dadka ku shaqeysta mootooyinka.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Murang’a ahna guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee baarlamaaka, Sabina Wanjiru Chege aya sheegtay in wasaaradda maaliyadda ay qaadday tallaabo wax ku ool ah oo lagu faani karo.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay jiraan Kenyaan badan oo qutul maalmeedkooda ka soo saaro wadidda dhugdhugleyda hasa ahaate qaar ah mid ah ay shilal galaan taasi oo culeys ku keento.
Waxay tusaale u soo qaadatay in isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaaladatani Nairobi ay jirto qeyb gaar ah oo loogu talagalay daaweynta dhaawaca ka dhasho shilalka saameeya wadayaasha mootooyinka iyo rakaabka ay sidaan.
Haweeneydan ayaa sido kale carrabka ku dhufatay in amarka dowladda ee ah in qof kasta oo kaxeynaya mooto ama dhugdhugley laga doonayo inuu lahaado caymis caafimaad ay kaalin weyn ka qaadan karto badbaadinta noolosha shacabka gaadiidkan isticmaalo iyo inay hoos u dhacaan kiisaska shilalka mootooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here