DHAGEYSO:Dowladda oo lagu eedeyay inay gudbisay macluumaad iskhilaafaan oo ku saabsan coronavirus

Baadari lagu magacaabo David Kodia oo ka tirsan kaniisadda ACK ayaa walaac ka muujiyay amarro badan oo ay dowladdu soo saartay oo ku saabsan xakameynta faafitaanka caabuqa coronavirus.
Waxaa uu mas’uulkan sheegay in amarrada ay dowlada soo saartay ay dadweynaha u keenayaan jahwareer iyo walaac aan loo baahneyn.
Mr. Kodia ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda heer qaran iyo ismaamullada sida uu hadalka u dhigay ay shacabka wareeriyeen.
Xili uu la hadlay telefishinka Citizen oo ka mid ah warbaahinnada maxalliga ee dalka, ayuu si adag u diiday amarkii ay qaar ka mid ah ismaamullada ku hakiyeen shirarka kaniisadaha.
Wuxuu ku dooday in kaniisadaha ay yihiin meesha dadku u ordi karaan si ay u raadsadaan “taageero nafsiyadeed, inta lagu jiro musiibooyinka sida musiibada Covid-19 ee hadda jirta.”
“Joojinta shirarka kaniisadaha ma ahan xalka ugu fiican ee looga hortagaya faafitaanka cudurkaan maxaa yeelay kama saameyn badna gaadiidka dadweynaha ay raacan” ayuu hadlkiisa ku daray.
Wuxuu intaas raaciyay inaysan xiri doonin kaniisadaha balse ay u hoggaansamayaan awaamiirta kale ee dowladda ee ku saabsan xaqiijinta nadaafadda shaqsiyeed.
Baadariga ayaa ugu dambeyn sheegay in kaniisadda ay u furan tahay qof kasta oo doonaya inuu ka qeybgalo.
Ila iyo hadda waxaa gudaha dalka laga xaqiijiyay 7 qof oo qaba cudurka Covid-19 kuwaasoo isugu jiro 6 Kenyaan iyo qof dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Burundi.
Dhanka kale kaddib amarkii ka soo baxay dowladda ee ahaa in la yareeyo tirade rakaabka ku safraya baabuurta u kala gooasho xaafadaha magaalooyinka iyo ismaamullada ayaa waxay cabasho ka soo yeeraysa gaadiidleyda Nakuru.
Waxay sheegayaan in amarkan uu saameyn dhaqaale ku yeelanayo sidaas awgeedna ay dowladda ka codsanayaan ina dhinto qiimaha noocyada kala duwan ee shidaalka oo ay hoosta ka xarriiqeen inuu weli sarreeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here