DHAGEYSO:Dowladda oo lagula taliyay inay kordhiso miisaaniyadda dugsiyada hoose dhexe

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dalka sido kalena xubno ka ah guddiga waxbarashada ayaa dowladda u soo jeediyay inay kordhiso lacagaha ay u qoondeyso dugsiyada hoose dhexe ee dalka.
Guddoomiyaha guddiga tacliinta ee baarlamaanka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Tinderet ,Julius Melly ayaa sheegay in dugsiyada hoose dhexe ay u muuqdaan kuwo la hilmaamay marka la eego baahida ay qabaan iyo dhaqaalaha la siiyo .
Waxaa uu sheegay in 1400 oo sannad kasta ay dowladda u qoondeysay arday waliba oo dhiganaya dugsi hoose dhexe aynan ku filnayn maareynta howlaha tacliinta.
Sido kale wasaaradda waxbarashada ee dalka ayuu ugu baaqay inay dardargeliso qeybinta buugaagta ay ardayda casharada ka raacdaan

 

Khamiistii ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha uu guddiga tacliinta ee baarlamaanka ka codsaday inuu ku dadaalo sidii miisaaniyad kordhin loogu sameyn lahaa wasaaradda uu hoggaamiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here