DHAGEYSO:Dowladda oo maalmaha soo socdo la filayo inay shaaciso tallaabooyin dheeraad ah

Aqalka madaxtooyada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta sheegay in maalmaha nagu soo aaddan gudahood dowladda ay ku dhawaaqi doonto tallaabooyin dheeraad ah oo ku aaddan la tacaalidda cudurka Covid-19.
Mr. Kenyatta ayaa xusay inuu jiro qorsho ballaaran oo ku saabsan xakameynta faafitaanka cudurka iyadoo dhanka kale lagu dadaalaya in xal loo helo saameynta uu fayraska sii faafaya ku yeeshay dalka.
Xilli uu soo hadal qaaday tallaabooyinka ay dowladda shaacin doonto ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa

Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale lagu raja weyn yahay in 6-da bishan la qaado amarradii lagu mamnuucay in la soo galo ama laga baxo xaafadaha islii iyo Old Town ee ka kala tirsan ismaamullada Nairobi iyo Mombasa.
Hasa ahaate waxaan weli caddeyn in dowladda ay sii kordhin doonto bandowga habeenkii iyo in kale in kastoo kiisaska corona ee kordhay awgeed la saadaalinaya in dowladda ay tallabooyin dheeraad oo dhanka isku socodka ah soo saarto.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sido kale sheegay in saameynta uu cudurka Covid-19 ku yeeshay gudaha wadanka ay ka mid tahay shaqo la’aan dad badan soo foodsaartay.
Waxaa uu shacabka ka codsaday inay si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo faafitaanka coronavirus.

Waxaa uu shaaciyay in dowladda ay 2 bilyan oo shilin ku taageeri doonto goobaha sida maqaayadaha ee dadkii ka howlgalayay ay shaqa la’aanta soo foodsaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here