DHAGEYSO:Dowladda oo maanta loo gudbinaayo shuruudo lagu furaya masaajidda

Majidka jaamaca Nairobi

Waxaa la filayaa in maanta dowladda dhexe lagu wareejiyo qorsho shuruudo ku saleysan oo la doonayo in dib loogu furo masaajidda.
Imaamyada masaajidada, xubnaha guddiga qaran ee loo xilsaaray ka falcelinta cudurka Covid-19 iyo dhakhaatiirta muslimiinta ayaa go’aankan ka soo saaray kulan ay shalay yeesheen.
Waxaa shirkaas ka sii horreeyay mid kale oo lala yeeshay dowladda kaasoo ay ka soo baxeen shuruudo dhowr ah oo la doonayo in la soo buuxiyo ka hor inta aan masaajidda dib loo furin.
Sheekh Maxamad Shariif Cabdiwahab oo ah xubin ka tirsan guddiga ka hortaga COVID 19 ayaa faahfaahin naga siiyay shuruuddan waxaa uuna sheegay inay ku raja weyn yihiin in dowladda ay codsigooda tixgelin doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here