DHAGEYSO:Dowladda oo magdhow siisay 12 dhibanayaal ah

Dowladda dhexe ayaa magdhow lacageed oo dhan 6.7 milyan oo shilin siisay 12 qof oo ay waxyeello gaarsiiyeen duurjoogta.
Shakhsiyaadkan oo ku nool ismaamulka Isiolo ayay duurjoog dhaawacday intii u dhaxaysay sannadihii 2014 iyo 2017-kii.
9 ka mid ah dadkan waxaa qaniinay mas , labo waxaa weeraray yaxaas xilli ay ku sugnayeen karkaaraha webiga Ewaso Nyiro halka qofka kalena ay gessi dhaawacday.
Qof kasta oo ka mid ah 12-ka qof waxaa la siinaya in ka badan 550,000 shilin si ay kaga soo kabtaan dhibaatadii gaartay.
Wasiirka wasaaradda dalxiiska Najib Balala oo arrinkan faahfaahin ka bixiyay ayaa sheegay in dowladda dhexe ay horay u bixisay 45 milyan oo la siiyay 9 qoys oo ku nool Isiolo kuwaasoo eheladooda ku waayay weerarrada duurjoogta.

Wasiirka ayaa 6.7 milyan oo jeeg ah ku wareejiyay guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Isiolo Herman Shambi ahna guddoomiyaha guddiga magdhowga waxaana joobjoog u ahaa mas’uuliyiin uu ka mid yahay barasaabka dowlad deegaankaas Dr.Maxamad Kuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here