DHAGEYSO:Dowladda oo sare u qaadaysa la tacaalidda cunno yarida

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mr. Mwangi Kiunjuri ayaa mar kale dadweynaha kenyaanka ah u xaqiijiyay in dowladdu ay ka go’an tahay inay xal u hesho cunno yarida.
Xilli uu ku sugnaa xarumaha ganacsi ee Ol-Jabet iyo Gatundia ee ku yaalla galbeedka ismaamulka Laikipia ayuu wasiirku sheegay in la tacaalidda cuuno yarida ay ka mid tahay afarta arrimood ee ugu waweyn ee maamulka talada haya uu mudnaanta koobaad siinayo.
Waxaa uu ballanqaaday in ugu dambeyn sannadka 2022-ka dhammaan shacabka ay helayaan cunno ku filan maadaama sare loo qaadayo wax soo saarka beeraha iyo in la dhimo qiimaha cunnooyinka kala duwan.
Mr. Kiunjuri ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda dhexe ay doonayso inay beeralayda u qeybiso miraha afakaadaha oo u dhexeya 40 ilaa 50 millyan oo xabbo.
Beeralayda dalka ayuu ugu baaqay inay wax ka bedelaan abuurka oo ayna adeegsadaan qaabab cusub oo ku aaddan wax soo saarka si dhaqaalaha dalka uu u kobco.

Wasiirka oo intii uu ku sugnaa deegaanka galbeedka Laikipia miraha afakaadada oo dhan 6,000 u qeybiyay in ka badan 1,500 qoysas ah ayaa intaasi raaciyay in boqolkiiba 75 ee shacabka ay noolol maalmeedkooda ka soo saaraan beeraha.
Waxay tani micnaheedu tahay sida uu hadalka u dhigay in wax soo saarka beeraha uu u dhigmo boqolkiiba 18 dhaqaalaha guud ee wadanka ee loo yaqaano (GDP).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here