DHAGEYSO:Dowladda oo shaacisay 278 xaalado dheeraad oo coronavirus ah

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha wadanka laga xaqiijiyay kiisas cusub oo cudurka COVID19 oo dhan 278.
Xaaladahan cusub ayaa laga soo saaray baaritaano lagu sameeyay dheecaan dhan 3,053.
Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee dalka ayaa hadda ah 8,528 waxaana tan iyo bishii saddexaad la baaray dheecaan ah 196,508 9
Waxaa isbitaallada laga saaray 89 bukaan oo kale tani oo tirada dadka ee ka caafimaaday xanuunka ka dhigaysa 2,593 qof.
Labo qof oo dheeraad ayaa cudurka ugu dhimatay gudaha wadanka waxayna hadda dhimashada guud tahay 169.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan ismaamulka Makueni ayaa u mahadceliyay dhammaan dhakhaatiirta wadanka.
Waxaa uu sido kale sheegay in la tababaray 252 oo ah dhakhaatiir ka howlgalaya ismaamulka Makueni wuxuuna xusay in 110 kale tababaro la siin doono.
Wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay inay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaraan ka hor tagga cudurka COVID19 halka uu dowladda hoose ee Makueni ku ammaanay sida ay u xakameysay faafitaanka fayraska corona.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in qof kasta laga doonayo inuu feejignaan dheeraad ah muujiyo oo xayiraadda safarrada ee meesha laga saaray aynan sabab u noqon u halista cudurka la fududaysto

Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowlad deegaanka Makueni uu buuxiyay shardigii ahaa in la diyaariyo ugu yaraan 300 oo ah sariirada gaarka u ah bukaannada uu cudurka haleelay.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda kiisaska cudurka COVID19 laga soo tabiyay 42 ka mid ah ismaamullada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here