DHAGEYSO:Dowladda oo sheegtay in si weyn loo maareeyn doono imtixaanada qaran

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay in dowladda dhexe ay sameysay wax walba oo suurtagal ah oo lagu xaqiijinayo in imtixaanada qaran ee sannadkan loo maareeyo sida habboon.
Dr. Matiangi ayaa xusay inuunan jiri doonin sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka oo inta imtixaanada ay socdaan fasax uga maqnaanaya shaqada.
Arrimahan ayuu ka sheegay xarunta dugsiga dowladda ee KSG ee magaaladatani Nairobi oo maanta lagu qabanayo kulan wada tashi ah.
Tallaabooyinka la qaadayo waxaa ka mid ah in wasaaradaha waxbarashada iyo arrimaha gudaha ay lahadaan hal xarun ah oo howlaha imtixaanada laga maamulayo .
In ka badan hal milyan oo arday ah ayaa sannadkan u fariisanaya imtixaanada fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE –da halka 699,746 oo dheeraad ah ay sameyn doonaan imtixaanada fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Dr. Matiangi ayaa carrabka ku adkeeyay inay ka go’antahay sidii arrintan loogu guulaysan lahaa sidaasi awgeedna aynan jiri doonin cid laga oggolaanayo wax cudur daar ah.
Ammaanka dalka ayuu xusay in si weyn loo adkeeyay sidaasi awgeedna wasaaraddiisa ay diyaar u tahay inay xal u hesho caqabado haddii ay soo baxaan.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in dowladda ay u qoondeysay kheyraad dheeraad ah oo xita diyaarado loo adeegsan doono in lala tacaalo dhibaatooyinka imtixaanada la xariira ee soo bixi karo.
Matiangi ayaa sheegay inuunan rajeynaynin inay jiraan wax caqabado ah.
Xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Karanja Kibicho oo munaasabadda ka hadlay ayaa digniin adag u diray cid waliba oo qorsheynaysa inay wax isdaba marin sameyso.
Kibicho ayaa sheegay in sarkaal waliba oo dowladda u shaqeeya la doonayo in lagula xisaabtamo waajibaadka saaran.
Waxaa sido kale shirka ka qeyb galay wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha waxaana diiradda lagu saarayay maareynta imtixaanada qaran gaar ahaan xaqiijinta in natiijada ka soo baxdo ay noqoto mid lagu kalsoonyahay.
Waxaa sido kale ka qeyb galay iskuduwayaasha waxbarashada ee gobolada dalka , ismaamulada iyo deegaannada hoos tago, mas’uuliyiinta guddiga adeegga macallimiinta ee TSC, golaha imtixaanada qaran ee KNEC , ururada macalimiinta iyo dalladda waalidiinta dalka.
Wasiirka waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa madaxda laga soo doortay ismaamulkada gobolka waqooyi bari ugu baaqay inaynan siyaasadeynin arrimaha imtixaanada qaran.

Waxaa uu ka digay in ardayda la khiyaano ama loo horseedo iskuday saameyn ku yeelan karo noloshooda.
Prof. Magoha ayaa ku nuuxnuuxsaday in ardayda imtixaanada sameynaya fursad buuxda la siiyo oo sida uu hadalka u dhigay aan khalkhal la gelin.
29-ka bishan ayaa la qorsheeyay inay billowdaan imtixaanada qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe (KCPE) halka kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare(KCSE) ay billaaban doonaan 1-da bisha Novembar ee sannadkan.
Arday ay tiradoodu gaareyso 1.8 milyan ayaa sannadkan u fariisanaya imtixaanada shahaadiga ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here