DHAGEYSO:Dowladda oo sheegtay inaan weli la go’aansan in la soo daadgureeyo qurbajoogta dalka

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr.Mutahi Kagwe oo wax laga weydiiyay xaaladda qurbajoogta Kenyaanka ah ayaa sheegay inaan weli la qaadan go’aan rasmi ah oo wadanka dib loogu soo celinaya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay arrintan kala Shireen wasaaradda arrimaha dibadda .
Sido kale Mr.Kagwe ayaa xusay inay hadda jirto caqabad dhanka safarrada ah maadaama aan wadanka la soo geli Karin sido kalena laga bixi Karin.
Wasiirka ayaa intaa ku daray inay socdaan wada hadallo ku aaddan wadamada muwaadiniinta dalka laga soo saaraya iyo kuwa aan laga soo saari doonin sidaas awgeedna ay jiraan su’aalo u baahan in laga jawaabo ka hor intaan go’aan kama dambeys ah lagu dhawaaqin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here