DHAGEYSO:Dowladda oo soo saartay digniin ku aaddan tirakoobka qaran

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa wacad ku martay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto siyaasiyiinta qorsheynaya inay saameyn ku yeesheen natiijada ka soo baxdo tirakoobka qaran ee dhawaan la qaban doono.
Waxaa uu qorshuhu yahay in tirakoobkan oo tobankii sano hal mar ah la qabto uu guud ahaan wadanka ka bilowdo cawa dambe oo ay axad soo galeyso.
Barnaamijkan ayaa soconaya muddo 7 maalmood ah ilaa dhamaadka bishan sideedaad.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dallka Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay inay ka war heleen siyaasiyiin qabanaya kulamo kala duwan oo ay qeyb ka tahay in dadka dib loogu celiyo deegaanada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inaynan marnaba habbooneyn in degganaanshaha dadweynaha la carqaladeeyo.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo siyaasiyiinta ay toddobaadyadii ugu dambeeyay shacabka ugu baaqayeen inay dib ugu laabataan deegaanadooda si halkaasi loogu soo xisaabiyo in kastoo afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna uu caddeeyay in qof kasta oo Kenyaan ah lagu xisaabin doono halka uu ku sugan yahay.
Sido kale guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta ee NAMLEF laanteeda Garissa Sheekh Xassan Cabdullahi Cameey ayaa bulshada ku nool gobolka waqooyi bari ku booriyay inay si weyn ugu soo baxaan oo ay ka qeyb qaataan tirakoobkan qaran ee dalka ka dhacaya

 

Waxaa uu dhanka kale u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qeyb qaatay tageeridda canug yar oo uu dhalay oo ka xanuusan isagoo dadweynaha ku wargeliyay munaasabado lacag arruurin ah oo lagu kala qaban doono magaalooyinka Nairobi iyo Garissa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here