DHAGEYSO:Dowladda Somalia oo dib u dhis ku sameyneysa qeyb kamid ah Garoonka diyaaradaha Beledweyne

Wafdi ka Socda Wassaaradda Duulista Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magalada baladweyne kana dhagax dhigay mashruuc lagu dhisaya garoonka diyaaradaha ugaas khaliif ee magalaada baladweyne
Munaasabadda oo ka dhacday gudaha garoonka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday wasiiradda dowlad goboleedka Hirshabeelle Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliiyin kale oo kala matalayay heer gobol,Degmo iyo qeybaha bulshada.
Dhismaha qeytaan maanta la dhagax dhigay ayaa ka mid ah baahiyaha garoonka maadaama uusan laheyn dhisme lagu baaro dadka sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay shaqaalle loo tababar maamulka garoonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here