DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo caawimaad u fidinaysa dadka uu Ayaxu saameeyay

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax oo Shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya Garab itaga u muujinayso Qoysaska Beeraleeda ah ee Ayaxu Saamaynta Weyn ku yeeshay.
Socdaal shaqo oo qaadanaya ku dhow toddobaad ayaa sidoo kale, Wasiirku wuxuu ku kormeeri doono deegaanno ka tirsan Maamulka Puntland, gaar ahaanna deegaannada ay ka socdaan barnaamijyada ay Wasaaraddu ku taageerayso bulshada nugul ee Baxnaano.
Wasiirka shaqada iyo Arimaha Bulshada Soomaaliya Wuxuu sheegay inay u tahay arrin muhiim ah booqashada uu ku gaaray Garoowe, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalkuna ay wada shaqeyn ballaaran la leedahaya Tan Mamul goboleedka sidaasna ay ku doonayaan inay howlo Muhiim bulshada u ah ay wada jir u fuliyaan.
Wasiir Duraan Faarax, ayaa sheegay inuu socdaalkan xaqiijinayo sida ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’antahay in la daadajiyo adeegyada muhiimka u ah bulshada, wuxuuna inta ku daray inay hadda diiradda saarayaan sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagu dhimayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta dadka Soomaaliyeed Saamaynta weyn ku yeelatay.
Wuxuu Xusay inay doonayaan in bulshada loo soo bandhigo adeegyada ay Wasaaraddan ku taageerrayso ayagpoo tagi doona deegaanno kale oo Puntland ah si loo dardargaliyo ,qiimeyna loogu sameeyo barnaamijka Baxnaano oo taageerro dhaqaalo ay ka helayaan qoysas badan oo reer Puntland ah gaar ahaanna kuwa nugulka.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa kalo uu caddeeyay in dhowaan la guda gali doono taageerro dhaqaale oo la siinayo qoysaska uu saameynta ku yeeshay Ayaxa ku dagay dhul balaadhan oo Beero iyo daaqsin isugu jira gobolo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here