DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo dalka Dib ugu Soo celisay muwaadiniin Hiiraan ku Xayirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay dalkooda Hooyo dib ugu soo celiso Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xayirnaa Dalka Iran kuwaasoo maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Diyaarada Turkish Airlines oo waday in ka badan 28 muwaadiniin Soomaali ah kana soo duushay Magaalada Tehraan ee Caasimada dalka Iran ayaa Saaka waxay ka Cagadhigatay Madaarka Diyaaradaha Adan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho waxay Muwaadiniintaasi u mahadceliyeen dowlada dhexe iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay daadaalka dalkooda dib loogu Soo celiyo.
Muwaadiniintaa ayaa Markii Horay Waxay mudo ku Xirnaayeen Xabsiyo Ku yaala Dalka Iran waxaana kadib Markii Xabsiyada laga Soo daayay ku dhacday Xayiraadihii Caalamka dhan lagu Soo rogay ee Covid 19 kuwaaso in badan Lix Bilood oo dheeraad ah ku xayirnaa dalka Iraan ugu danbayna ay Maanta u suuro Gashay inay dib ugu Soo laabtaan dalkooda Hooyo.

Amba Maxamed Xuseen Awliyo oo ay dowlada Soomaaliya u Xil saartay inuu Muwaadiniintaan ka shaqeeyo sidii ay xoriyadooda u heli lahaayeen ayaa wuxuu faahfaahinayaa dadaalka ay Sameeyeen ee ugu danbayn suura Galiyay in muwaadiniintaan wadankooda lagu Soo celiyo Maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here