DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo dalka ku soo celisay shacab Uganda ku Xanibnaa

Safaaradda dowladda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda ayaa ku guulaysatay inay dalkooda Hooyo dib ugu Soo celiso ugu yaraan 200 oo qof kuwaasoo in muddo ah wadankaas ku xanibnaa Sababo la xiriira Cudurka Covid 19 ee aduunyada Xayiraadaha u horseeday.
Dadkaan oo dhalinyaro waxbarasho u joogay dalka Uganda u badan ayaa Xalay Abaara Sagaalkii fiidnimo ka dagay Madaarka diyaaradaha Adan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho waxayna u mahadceliyeen cidkasta oo ka qayb qaadatay inay dalkooda Hooyo dib ugu Soo laabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here