DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiysay safarka ra’iisul wasaaraha ee dalka Kuwait

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda dalka Kuwait waxayna Halkaas ka bilaabeen kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan madaxda dalkaas ugu saraysa.
Wafdigaan ayaa Waxay ka qeybgelayaan tacsida iyo duco loo Samaynayo amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Sheekh Sabaax Al Axmed Alsabaax.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xusen Rooble ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulmi doona Amiirka Cusub ee dalkaas iyo Madax kale, isagoo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo Xiriirka Soo jireenka ah ee labada dowladood ka dhexeeya.
Sii haya Xilka wasiirka wasaradda arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Faahfaahin ka bixiyay Safarka Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisu ay ku joogaan dalka Kuwait.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here