DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay heshiis waxbarasho oo ay Turkiga la galeen

Sii hayaha Xilka wasiirka wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo Golaha shacabka hor geeyay Heshiis waxbarasho oo u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sheegay in Baarlamaanka looga baahan yahay inay nuruxka Heshiiska fahmaan.
Wuxuu sheegay in Heshiiskaan la Gaaray sannaadkii 2016-kii iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in dhanka Khuburada labada dal isdhaafasadaan, si sare u qaadaan Luuqadahooda oo dalkasta lagu dhigo luuqada dalka kale Manaahijka Waxbarashada Sare loo qaado deeqo Waxbarasho oo la is dhaafsada Tabarada Macalimiinta iyo qodobo kale oo badan oo labada dowladeed iska kaashanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here