DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay shirkii Madaxweynaha iyo hogaamiyeyaasha Maamulada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka ayaa Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo dhan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana lagu heshiiyey in shirka rasmiga ah uu degdeg u qabsoomo, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu Soomaaliya uu go’aaminayo goobta iyo wakhtiga shirka la qabanayo.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada iyo dib u soo celinta qarannimadooda.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusuusiyey Madaxda ka qeyb galay kulankan muhiimadda wadajirka iyo in loo tanaasulo danta guud, iyadoo la ilaalinayo dowladnimadaa oo shacabka Soomaaliyeed ay geliyeen maal iyo muruqba.
Dhankooda, Madaxda ka qeyb galay kulankan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la sii amba qaado qorsheyaasha dowlad dhiska iyo horumarka dalka Soomaaliya, iyagoo wadajir u soo dhaweeyey qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feraalka Soomalaiya ee ku saleysan wadatashiga, is-ogolaanshaha iyo u tanaasulka danta guud sida ay warbahainta la wadaagtay madaxtooyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here