DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo faahfahaisay sida u Wajahday dagaalka ka dhanka ah Covid 19

Ayadoo aduunka dhan ay Saamayn dhaqaalahe iyo Caafimaad ka soo gaartay Cudurka Safmareenka ah ee Covid 19 ayaa ayaa dowlada Soomaaliya waxay faaf faahin ka bixisay sidii ay u wajahday Saamaynta cudurka iyo Talabaooyinka ay qaaday ilaa bishii sadexaad ee Sanadkaan xiligaas uu Soomaaliya iyo dalalka kale ee dariska la ahba cudurku soo gaaray.
Wasiirka wasaarada Maaliyada dowlada Fedraalka Soomaaliya Mudane C/raxmana Ducaale Bayle oo Maanta marti ku ahaa Barnaamijka todobaad laha ah ee ka baxa Telefishinka dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay isku tashi badan Sameeyen sidoo kalena ay garab istaga ka heleen hay’ado caalami ah oo Bangiga aduunku ka mid yahay.
Wasiir bayle ayaa xusay in saamaynta cudurka dartiis sanadkaan dhaqaalaha Soomaaliya hoos u dhacay ilaa 30 boqolkiiba taasoo u dhiganta ugu yaraan 70 Milyan oo dollar hadan ay bixinayaan dhamaan qarashaadka aas aasiga ah uu Mushaaraadka rayidka iyo ciidamaduba ka mid yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here