DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo hay’daha ku amartay inay u gurmadaan dadka ay fatahaaduhu Saameeyeen

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & maareynta musiibooyinka Dowlada Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle uu fatahaado daran ka geystay Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayana ka dhalatay Saamayn aad u balaadhan oo dhanka Bulshada ah.
Wasiir Xamza waxaa uu sheegay in Xaafadaha uu Wabiga ka fatahaday ee Afgooye ay kamid yihiin, Dhagax-tuur, baalguri, Beerta Imaaraadka iyo tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye oo ay kamid yihiin Sabiid iyo Caanoole, Baqdaad iyo deegaano kale,isla markaana dadka Shacabka ah uu saameyn xooggan ku yeeshay.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gargaarka &maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in fatahaada Wabiga Shabeelle ay ka dhaceen tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe oo uu sheegay inay dadkii deganaa ka barakaceen Xaafadahooda ayna xilgaan u baahan yihiin gurmad deg deg ah oo lala gaaro.
Wasiirka Wasaarada GArgaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka dowlada Fedraalka Soomaaliya Xamza Saciid Xamza wuxuu ku amray Hay’adaha samafalka ee ka howgalla dalka Soomaaliya inay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan dadka uu saameynta ku yeeshay fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka geystay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe & Shabeellaha Hoose.
Wasir Xamza ayaa sheegay in dalka Soomaaliya Markii hore ay ku soo lalaban jireen fatahaadaha iyo abaaraha Balse hada ay dabaylo ugu darsmeen oo deegano ka tirsan Jubooyinka iyo Shabeellada Hoose Dabaylo Xooggan loo Saadaalinayo inay saameeyeen taasoo ayana u baahan in laga digtoonaado.

Hadalka Wasiirku wuxuu ku soo aadayaa ayadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u ku baaqay in wadajir loogu istaago sidii loo samatabixin lahaa dadka ku dhibasteysan degmada Afgooye.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadka Wabiga Shabeele, isagoo faray Xukuumadda inay degdeg uga howlgasho ka jawaabidda iyo maareynta musiibadan halkaas laga soo tabinayo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey gurmadka iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka taasoo kaalin mugleh ka qaadatay samata-bixinta nafeed ee qoysaska iyo dadka nugul ee ku noolaa degmada Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here