DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo ka qayb gashay shir looga hadlayay saamaynta dhaqaale ee Covid-19

Siihayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qayb-galay shirka Qaramada Midoobay ee ku saabsan wax ka ogaanshaha caqabadaha dhaqaale ee uu sababay Covid-19.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay ku dhawaad 73 Wasiiir Maaliyadeed iyo masuuliyiinta hay’adaha dhaqaalaha adduunka oo Khudbad ka jeediyay, kuwaasoo shaaciyay inay taageero maaliyadeed siinayaan wadamada uu saameynta dhaqaale ku yeeshay Cudurka.
Sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in shirka muhiimadiisu ahayd sidii looga soo kabsan lahaa saameynta dhaqaale ee wadamada qaar u geystay Cudurka Coronavirus, islamarkaana Soomaaliya ay kamid tahay dalalka uu Cudurka saameeyay.
Waxaa uu sheegay in wadamada ay badankood soo jeediyeen hadallo ku saabsan in dalalka sida ay u kala daran yihiin loo caawiyo, isla markaana la sameeyay dhaqaalo arruurin ballaaran si dalalkaas dhaqaalahooda uu u sii kabsomo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here