DHAGEYSO:Dowladda soomaaliya oo ku dhawaaqday Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdi Maxamed Sabriye ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug.
Guddigan la magacaabay ayaa waxaa uu ka koobanyahay 12 Xubnood oo laga soo kala xulay 11 beelood oo dega deegaanada Maamulka Galmudug & xubin ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Warbaahinta u sharaxay Magacyada guddiga uu Magacaabay iyo baahiyihii keenay.

Waxaa uu sido kale faahfaahin ka bixiyay Shaqooyinka ay qaban doonaan xubnaha guddigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here